Business, Ganacsi

The $100 Startup : Sidee $100 iyo ka yar ugu bilaabi kartaa Ganacsi Guuleysta

2 min read

The $100 Startup : Hordhac.

Ma ku fikirtay inaad bilaabato ganacsi kuu gaar ah adigoon haysan lacag badan? Ma ku daashay inaad sugto maalgelin ama aad waxbarasho dheer u gasho si aad ganacsade u noqoto?

Haddii jawaabtadu haa tahay, qormadan oo aan ku soo qaadaneyno buugga The $100 Startup ee uu qoray Chris Guillebeau waxay kuu noqon doontaa hagahaaga ugu fiican.

Waxaa jira dad aad u badan oo ku bilaabay ganacsi guuleystay, iyagoo aan haysan wax ka badan $100. Waa dad aan heysan shahaado ganacsi, maalgashi weyn, ama xitaa qorshe ganacsi oo qoto dheer – balse waxay ogaadeen hal arrin oo muhiim ah:
Waxaad ku bilaabi kartaa waxaad taqaan, adigoo ka jawaabaya baahi jirta.

Hadaba aan kula wadaago casharrada ugu muhiimsan ee buugga The $100 Startup, oo si kooban u sharraxaya falsafadda iyo ficillada muhiimka ah ee qoraaga ( Chris Guillebeau:

1: Ka faa’iidayso xirfadaha aad hore u lahayd.

“You already have the skills you need—you just need to know where to look.” Dad badan waxay bilaabeen ganacsigooda ugu horeeyay iyagoo ay ka faa’iideysanaya xirfad ay horey u barteen: sida qorista maqaalada, sawir-qaadista, turjumaadda, naqshadeynta, cunto karinta, iwm.

2: Ku xali baahi jirta Xirfadaada.

“Passion is overrated. What you really need is a product or service that solves a problem.” Haddii aad rabto in ganacsigaagu lacag soo saaro, waxaad u baahan tahay in aad xaliso dhibaato jirta, ama uu buuxiso baahi dadku qabaan.

3: Ku bilaaw lacag yar – $100 ama ka yar

Ganacsiyada laga soo xigtay buugga The 100$ Startup, intooda badan waxay ku bilaabeen wax ka yar $100, iyagoo adeegsaday waxyaabo ay horey u haysteen sida : kombuyuutar, internet, ama xirfad ay leeyihiin.

4: Bilawga Muhiimad gaar ah ayuu leeyahay.

“Plans are only good intentions unless they immediately degenerate into hard work.” Qorshe in aad sameysato waa wax fiican, laakiin waxaa ka muhiimsan ficil degdeg ah. ku Bilaaw si tartiib tartiib ah, iskuna day in aad suuqgeyn u sameeyso isla markaa si aad u hesho fal-caelinta macaamiishada una kala garato waxa shaqeeynaya iyo waxa aan shaqeeynayn.

5: Macaamiisha waa Mudnaanta Kowaad.

Guusha ganacsi walba waxay ka timaadaa fahamka qofka aad u adeegayso. waxaa laguugua adkeeynayaa in aad si dhow ula xiriirto macaamiishada si aad u ogaato waxa ay rabaan.

6: Iska ilaali dayn iyo maalgelin badan

Ma jirto baahi degdeg ah oo aad u qabto deyn ama maalgelin weyn. Waxaad ku bilaabi kartaa si yar, korna ugu qaadi kartaa marka dakhligaagu kordho.

7.Xorriyadda nolosha waa yoolka ugu weyn

Qoraaga Chris iyo dadka uu wareystay waxay ganacsiga u bilaabeen si ay u helaan xorriyad – xagga waqtiga, meelaha ay ka shaqeyn karaan, iyo go’aamada noloshooda, sidaa darteed hadafka ugu weyn ee ku dheera galin kara waa in aad maanka ku haysaa yoolku waa xoriyada Noloshaada.


Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Sign up for our Newsletter

Join our newsletter and get resources, curated content, and design inspiration delivered straight to your inbox.

Related Posts